Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Darawal mooto Bajaaj oo lagu dilay magaaladda muqdisho ee Caasimadda soomaaliya.
Dilkaan ayaa xalay ka dhacay agagaarka Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal,askariga iyo Darawalka Mooto Bajaajka ayaa waxaa soo kala dhexgalay muran,taasi oo keentay in askariga uu rasaas furo.
Rasaastii uu askariga Furey ayaa qeybaha sare ka heleeshay Darawalka mooto Bajaajka,wuxuuna ku geeriyooday isla goobta,waxaana goobta ka baxsaday askariga dilka geystay.
Askarta ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan Darawalada Mooto Bajaajka.

