Guddoomiye Ku-xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.
Ku simaha guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in doorashada la qorsheeyay in ay dhacdo 14-ka bishan November oo ku beegan Khamiista todobaadka soo socda.


