Al-shabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhigga Deegaanka Awdheegle

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar qorshaysnaa ku qaaday Saldhiga Ciidamadda Dowladda ee Awdheegle,waxaana halkaas ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,dagaalka ayaa socday muddo saacad ah,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu  gubay dhowr Teendhooyin oo Ciidamadda Dowladda ka dhisteen gudaha xerada, Sidoo kale Shabaab waxey Waxyeelo xoogan gaarsiiyeen Labo gaari ay oo lahaayeen Ciidamada Dowladda ee lagu weeraray saldhiga Awdheegle.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dhanka Saraakisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya,oo loogu hadlayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa bilooyin ka hor lagala waregay deegaanka Awdheegle,waxayna tan iyo markaas ay bilaabeen in weeraro qorshaysan ay ku qaadaan deegaanka oo gacantooda ka baxay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here