Wararka ka imaanaya Kenya ayaa ku waramaya in Kooxo Burcad ah ay kufsadeen Haweeney waayeel ah oo da’deeda lagu sheegay 102 sano jir.
Falkaan ayaa ka dhacay Ismaamulka Kitui ee ku yaal bartamaha Kenya.
Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Yatta oo xaqiijiyay dhacdadaan ayaa sheegay in baadi goob ay ugu jiraan ragga ka danbeeyay Kufsigaan, ayna cadaalada la tiigsan Doonaan,islamarkaana haweeneyda la kufsaday si xun loo Jirdilay habeenimadii Axadda.
Falalka kufsiga ah ayaa Mudooyinkii dambe kusoo badanayay deegaano ka tirsan gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.

