Wararka ka imaanaya Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen Duleedka Degmadaas.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Shabaab fara badan oo sita hubka noocyadiisa kala duwan lagu arkayo saakay deegaano duleedka ka ah Degmadda Guriceel.
Deeganadda Al-Shabaab lagu arkayo ayaa kala ah Dhagaxyaale, Waradhuumale oo dhamaan hoostaga Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug aynu la xiriirnay aaya ka gaabsaday in ay ka hadlaan arinta Shabaab ee Degmadda guriceel.
Degmadda Guriceel ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamadda Dowlada Soomaaliya, waxaana halkaas isaga baxay Ciidamadii Ahlusuna Waljameeca.

