Dowladda Soomaaliya oo Digniin U jeedisay Maamulka Ahlusuna+Dhageyso

0

Dowladda Sooomaaliya ayaa Maamulka Ahlusunna Waljameeca kaga digtay in ay caqabad ku noqdaan dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo warbaahinta kula hadlay Mgaaladda muqdisho ayaa sheegay in Dowladda wanaag u hayso Ahlusuna,madaama ay muddo la dagaalamayeen Xarakadda Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Somaliya ay wanaag u hayso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, balse ay ka doonayaan inay nidaamka raacaan.

“Wanaag baan u haynaa, dadkii Soomaaliyeed weeye, dadkii dalka lahaa weeye, lagama xigsanayo, laakiin nidaamka sharciga ah ha raaceen,dowladda Soomaaliyeed ha u ogolaaden inay si nidaamsan uga warqabto, u hagto inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, oo si fiican loo soo doortay Xildhibaanadeeda.”.  Ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here