Dibadbaxayo Ballaaran oo Markale Ka Billowday Magaalooyin Ka Tirsan Lubnan

0

Dibadbaxayo ballaadhan ayaa markale ka billowday dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Lubnan. Mudaharaadyada oo u muuqday iney yara istaageen kaddib marki uu Ra’isal wasaarihi dalkaasi Sacad xariiri uu ku dhawaaqay inuu iscasilayo, ayaa haatan dib u soo noqday.

Dadka mudaharaadaya waxay dowladda ku eedeynayaan iney sidii la rabay uga jawaabin shacabka waxyaabaha ay ka cabanayeen.

Rai’sal wasaaraha dalka Lubnaan ayaa is casilay Talaadadii la soo dhaafay balse dibedbaxayaasha haatan dib ugu soo laabtay waddooyinka ayaa waxay sheegayaan in aysan weli qanacsanayn, oo waxa ay doonayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro dowladda haatan jirto oo isbedel lagu sameeyo habka siyaasadda dalkaasi.

Mudaaharaayasha ayaa maamulka haatan jira waxay ku tilmaameen inuu yahay mid musuq daashaday sidoo kalana loo aaneynayo shaqala’aanta baahsan ee ka jirta dalka Lubnaan iyagoona wacad ku maray inay sii wadi doonaan dibedbaxyada ilaa uu dalkooda ka dhaco isbedel dhab ah.

Tony Mehanna waxa uu ka mid yahay mudaaharaadaasha isugu soo baxay Magaalada Beirut waxa uu leehay waxaan u soo baxay inaan sharaxo minaha saxda ah ee isbedel.

”Waxaan maanta ka nimid meel fog oo dalka Lubnan ka tirsan si aan uga qayb qaadanno mudaharaadyada muujinaya kacdoon waxa uu yahay, iyo doonitaanka shacabka waxa uu yahay, dadku aad ayey u daallan yihiin”, ayuu yiri Tony Mehanna.

”Waxaan dooneynaa dowlad dib u soo celiso xuquuqda shacabka balse ma jirto cid shacabka dhageysaneyso oo ma jirto cid inamaqleysana marka waxaad mooddaa inan ku nool nahay laba meelood oo kala duwan”,ayuu Mehanna intaasi ku sii daray.

Dhanka kale waxaa jiray mudaaharaadyo kale oo lagu taageerayay madaxweyne Michel Aoun, kuwaasi oo aaminsan in Michel uu yahay ninka saxda ah ee isbedel ka sameyn karo dalka Lubnaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here