Waxaa Saakay dagan Xaaladda Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo xalay israsaaseyn ay ku dhexmartay Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna Waljameeca.
Israsaaseynta ayaa timid kadib markii askari ka Tirsan Ciidamadda Ahlusuna Waljameeca uu la baxsaday gaari dagaal, isagoona u baxsaday dhanka Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmadda.
Ciidamo ka Tirsan kuwa Ahlusuna oo eryanayay gaariga ayaa waxaa israsaaseyn ay dhexmartay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Gaariga lala baxsaday ayaa ah nooca loo yaqaano B10, waxaana uu ka mid yahay gaadiidka ay caanka ku yihiin Ahlusuna ee horay dagaalo dhowr ah uga qeyb galay,waxaana u suurta gashay in ay lasoo laabtaan.
Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay la wareegay Degmadda Guriceel,kadib markii isla saakay isaga baxeyn Ciidamadii Ahlusuna Waljameeca.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku sugan Degmadda Guriceel,wuxuuna la kulmay bulshadda Magaaladaas ku dhaqan.
Wasiirka ayaa waxgaradkii uu la hadlay u sheegay in ciidamada Ahlusunna la qarameeyay oo aysan jirikarin ciidan gooni u taaggan oo Ahlsunna hoostaga, haddii taasi ay dhacdana ay tahay in dowladda Soomaaliya ay dowladda kale ka hoos jirta taasina aysan aqbaleyn.





