Wararka ka imaanaya Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusuna Waljmeeca uu ka dhacay Degmadaas.
Labadda dhinac ayaa isku adeegsaday hubka fudud,waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka. sida naloo xaqiijiyay.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa u suurta gashay In ay la wareegaan gacan ku heynta Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo Ahlusuna ay ku sugnaayeen.

