Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland ayaa barlamaanka Puntland u diray waraaq uu kaga Codsanayo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad isla markaana ay ogolaadaan in lagu soo oogo dacwad ciqaab ah.
Xildhibaanka ayaa dhawaan furitaankiii Kalfadhiga Barlamaanka Puntland Su’aalo waydiyey Madaxwayne Deni,iyadoo madaxweynaha uu si kulul ugu jawaabay su’alahaas.



