Ciidamadda AMISOM Oo Moota Bajaaj iyo Darawalkii Ku Jiiray Muqdisho

0

Mid kamid ah Gaadiidka Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa saakay Magaaladda Muqdisho ku jiiray Mooto Bajaaj iyo Darawalkii waday.

Falkaan ayaa ka dhacay saakay Isgoyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in Ciidamadda AMISOM ay si ku talagal ah u jiireen Mooto Bajaajka ,islamarkaana uu ku dhaawacmay Darawalkii waday oo ah wiil dhalinyaro.

Intaas kadib Ciidamadda AMISOM ayaa isku dayay in ay ka dhaqaaqaan halkii uu falku ka dhacay balse waxaa is hor istaag ku sameeyay Ciidamadda ilaalada wadooyinka ee Taraafikadda loo yaqaano.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here