Jubbaland:-“Madaxweyne Farmaajo ayaa Qaadaya Dhibkii Gaara Wasiir Janan”,

0

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ay qaadayso Mas’uuliyadda wixii dhibaato ah uu la kulmo Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo muddo 2-bilood ah ku xiran Magaaladda Muqdisho.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay kismaayo ayaa sheegay in wasiir Cabdirashiid Janan uusan aheyn dambiile,isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.

Waxa uu sheegay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland in Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu qaadayo Mas’uuliyadda Xariga Wasiir Janan iyo wixii dhibaato ah uu la kulmo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Magaaladda muqdisho ku xirtay Wasiirkii Amniga Jubbland C/rashiid Janan kaasi oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here