Al-shabaab oo Sheegtay Dilka Max’med Faarax

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dilka Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Ilaaladda Wadooyinka Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka mudug dhanka Maamulka Puntland.

Dilkaan ayaa xalay ka dhacay gudaha Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Max’med Faarax oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada waddooyinka maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Gaalkacyo

“Mujaahidiinta ayaa waqooyiga Gaalkacyo ku khaarijiyay Max’med Faarax oo ahaa taliye ku xigeenka Taraafikada maamulka Puntland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here