Dowladda Soomaaliya oo Beenisay in Ciidamo Dooni Kula Dagtay Bedweynta Hindiya

0

Taliyaha ciidanka Badda iyo ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Admiraal guuto Cabaas Amiin Cali ayaa beeniyay in dooni ciidanka Badda leeyahay ay degtay ,ayna ku dhinteen askar ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in idaacadaha  Magaaladda Muqdisho ay si qaldan u baahiyeen warka ku aadan in Dooni ay lahaayeen ciidamadda Badda ay ku dagtay Bedweynta Hindiya,kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen.

Admiralka ayaa sheegay in Doonidda ay raashin u geysanaysay Ciidamadda Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmadda Hobyo ee Gobolka Mudug,balse ay cilad ku timid ayna haatan ku sugan Tahay Degmaddda Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ee ka hawlgala Xeebaha Somaliya, ayaa Badbaadiyay ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Somaaliya oo labo Habeen ka hor Dooni kula dagtay Badweynta Hindiya.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay la soo xiriireen ciidamadaasi, xilli doonidooda ay dhex sabeynaysay agagaarka Xeebta Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in lasoo badbaadiyay 7-kamid ah ciidamadda Dowladda Soomaaliya,islamarkaana dhawaan lagu wareejin doono Dowladda.

Al-shabaab ayaa ka hadlay Dooni ay la socdeen Ciidamadda 14- October ee Dowladda Soomaaliya taasi oo xalay ku dagtay Xeebta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

Warbaahinta Taageerta Shabaab ayaa lagu daabacay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ee ka dagaalama dhanka Badda ay Baasuuke ku dhufteen Doonta,islamarkaana sidaas ku dagtay.

“Shabaab  ayaa weerar Kamiin ah badda gunteeda ugu dhigay Ciidamo katirsan Dowladda xiili ay Doon ku safrayeen Alle fadligiis waxaa suurtagashay in Baasuukayaal ay lahelaan doonta taas oo sababtay in ay rogmato” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Naaquudihii Doonta ayaa kamid ah dadka badbaaday balse waxaa dhintay illaa Afar askari oo katirsan guutada 14-ka Oktoobar iyadoona askarta qaar oo biyaha badda ku haftay lasoo badbaadiyay, ayay shabaab hadalkooda ku dareen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here