Qoys Ku Dhaqan Muqdisho oo Hoygooda Lagu Weeraray,Hooyo oo La Dhaawacay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya nin hubeysnaa oo xalay qoys ku dhaqan magaalada Muqdisho kagu weeraray hoygooda.

Falkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Ceymiska Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Qoyska la weeraray, Nin ku hubeysnaa qori AK47 ayaa weerarka fuliyay,wuxuuna ka qaatay agabyo ay ka mid yihiin teleefanada gacanta.

Aabaha qoyska ayaa sheegay in ninka hubeysnaa uu dhaawacay hooyadii guriga, iyo wiil ay dhashay,islamarkaana markii dambe uu goobta ka baxsaday.

Sidoo kale Aabaha qoyska ayaa sheegay in falka markii uu dhacay kadib ay u tageen ciidamadii Dowlada ee goobta ka ak dhawaa,balse ayaga lagu carooday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here