Dowladda Soomaaliya oo Beenisay Kulanka Farmaajo iyo Amb. Kyle McCarter

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Dowladda Mareykanka uu Muqdisho yimid,islamarkaana uu la Kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wargeyska Dailynation ayaa sheegay in Safiirka iyo madaxweyne Farmaajo in ay kawada hadleen Arinta Badda,islamarkaana Farmaajo lagu cadaadiyay in uu ka haro Kiiska Badda.

Danjiraha Somaliya ee Kenya ayaa umadda Soomaaliyeed u sheegay inaanu dhicin wax kulan ah oo dhex maray Madaxweynaha Somaliya iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya, Amb. Kyle McCarter intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya, xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor,wargeyska Kenyanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahan yahay inuu iska hubiyo warbixinada uu faafinayo.”Ayuu yiri Tarsan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here