Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay qeybta Booliiska gobolka Sanaag
Xeer-madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr-77 soona baxay xalay ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag loogu magacaabay G/dhexe Bashiir Cali Maxamed.
Sarkaalkan ayaa ka hor inta xilka loo magacaabin isla xalay loo dallacsiiyay derejada Gaashaanle dhexe.