Maamulka Jubbaland ayaa si kulul ugu jawaabay warqadii xalay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada federaalka Soomaaliya ee ku aadaneyd habraaca loo marayo Xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka Jubbaland iyo doorashadda Madaxweynaha maamulkaas.
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Warqada kasoo baxday dowlada federaalka Soomaaliya ay tahay mid hareer marsan sharciga oo lagu waxyeeleenayo Maamulka Jubbaland.
Waxa uu sheegay wasiirka in Doorasho sharci ah ay ka dhacday magaaladda Kismaayo,islamarkaana go’anka Wasaaradda kasoo baxay uu yahay mid aan jirin.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019, ka dib markii horay Wasaaradda ay u qaadacday natiijada doorashooyinkii ku soo gabagaboobey Magaaladda Kismaayo.