Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalyahano Ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar qorshaysnaa ku qaaday Saldhiga Ciidamadda Dowladda Ay ku leeyihiin halkaas.
Dagaalka oo ahaa mid culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa lagu soo waramayaa inuu in muda ah socday, islamarkaana daryanka hubka la isku adeegsanayay laga maqlayay goobo fog fog.
Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa dhowr jiho ku weeraray Saldhiga Awdheegle,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka.