Ciidamadda amaanka maamulka Jubba-land ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen toogashii xalay magaaladda Kismaayo loogu geystay Gudoomiyaha Golaha isbadal doonka Jubbaland Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar.
Korneel C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ahaa Sarakiishii hore ee Ciidamadda Dowlada Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in raga toogashadda fuliyay ay yihiin ciidamadda jubbaland.
Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe ay u shaqeeyaan ciidamo gaar ah oo fuliya dilalka loo geysto shaqsiyaadka kasoo horjeeda Maamulka Jubbaland.
Dhanka kale Korneel C/rashiid Macalin Gaas ayaa sheegay in Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar, uu xili hore geeriyooday balse la qarinayo.

