Cumar Filish oo Qaadey Talaabo ay Dhibsadeen Madaxa Dowladda Soomaaliya

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa Xafiiska aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,gaar ahaan kuwa raadinaya Maqaamka Gobolka banaadir.

Gudoomiye Cumar Filish Xildhibaanadda uu la  kulmay waxaa kamid ah Xildhibaan C/qaadir Cusoble Cali oo kamid ah xubnaha u olaleynaya Maqaamka Gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha iyo Xildhibaanadda ay si qoto dheer ugu wada-hadleen arinta Maqaamka Gobolka banaadir oo haatan Dowladda Dhexe ay maamusho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho  Cumar Maxamed Maxamuud Filish   ayaa u muuqda mid qaadaya tilaabooyin ay dhibsanayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan Gudoomiyaha ayaa magacaabay guddi kasoo talo bixiya sida loogaga qaadi lahaa Magaalada Muqdisho jidgooyooyinka yaala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here