Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in muddo 3-bari la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID.
Qoraal ay soo saartay Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakia Huseen Axmed ayaa lagu wargaliy ay shacabka in ay sidaas ula socdaan.
“Wargelin;Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno,mahad badan”
Hadalka Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakia Huseen Axmed ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe ay shacabka Magaalada Muqdisho ay cabasho ka muujiyeen howlaha ay qabato Hay’adda laanta Dambi barista ee C.I.D.

