Wararka ka imaanaya Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax Miino uu goordhaweyd ka dhacay halkaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, Miinadda oo dhulka ku aasneyd ayaa la qaraxday dad shacab ah oo howlo Nadaafadeed saakay kawaday degmadda.
Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo shacab ah ayay dhaawacyo soo gaareen,waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka Degmadda.
Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana dhawaan la wareegay ciidamadda Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaana laga saaray Shabaab oo muddo ku sugan.

