Faah-faahin:-Al-Shabaab oo Jidka u Galay Ciidamadda Malatariga

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab oo xalay ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan dowladda Soomaaliya,dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamadda shabaab ay jidka u galeen ciidamadda malatariga ka Tirsan oo ku socday dhanka deegaanka Sabiib waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Talisyadda dhinacyadda dagaalamay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here