Al-shabaab ayaa soo bandhigay Mas’uul sare oo ka tirsanaa maamul Goboleedka Hir-shabeelle kaasi oo isku dhiibay dhankooda.
Xasan Cumar Axmed [Xasan Mahdi] oo ahaa Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar ayaa lagusoo bandhigay xarunta maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay isagoo wareysi siinayay warbaahinta Shabaab in uu muddo seddex bilood ah uu agaasime madaxtooyo u ahaa Max’med Cabdi Waare oo ah madaxweynaha maamulka ‘Hirshabelle’.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu isaga baxay siyaasaddda iyo la shaqeynta maamuladda.
Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Xasan Cumar Axmed [Xasan Mahdi].
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hir-shabeelle oo loogu hadlaayo arintaan.

