Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Isniintii kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaliya (SRSG) ahna Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, isaga oo kala hadlay iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u hayo dadaalada Wakiilka Qaramada Midoobey iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa markii la soo magacaabay wuxuu tagay Maamul Goboledyada Dalka ka jira xarumahooda, isaga oo kulamo kala duwan la soo qaatay Madaxda Maamulada.
Qaramada Midoobey ayaa door muuqda oo taageero ah ka qaadata hannaanka siyaasadda ee Somaliya iyo dib u kabashada dalka.


