War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax Miino ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay Xaafadda Albaraka Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa la doonayay in lagu khaarijiyo Haweeney kamid ah qeybta Zaadka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo xiligaas la socotay mid kamid ah gaadiidka dagaalka Ciidamadda Dowladdda.

Gaariga oo ah Nooca Soomaalida Qooqan ayaa ku socday dhanka Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taala Degmadda Deyniile.

Dhanka kale Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa,balse waxaa jira dhaawacyo ka dhashay qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here