Ergooyin Lasoo Kulmay Al-shabaab oo Xabsiga Dhigay

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamadda amaanka ay xabsiga dhigeen tiro odayaal ah oo lasoo kulmay Al-shabaab.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda magaaladda beledweyne oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in iyagoo fulinaya amarkii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ay Xabsiga dhigeen ergooyinkii soo xulay xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in ay wadaan howlgal lagu baadigoobayo ergooyin kale oo lasoo kulmay Al-shabaab,kuwaasi oo ku sugan Magaaladda Beledweyne.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here