Saraakiisha Ahlusuna oo Eedeen u Jeediyay Dowladda Soomaaliya+Dhageyso

0

Tiro kamid saraakiishi Ahlusuna ee la qarameeyey laguna daray ciidamada DFS ayaa muujiyey in dowladda Somalia ay isaga baxday heshiis hore u dhex maray Ahlu sunna iyo dowladda somalia.

Saraakiishan ayaa ku sugan magaalada Dusamareb, waxa ayna walaac badan ka muujinayaan heshiiskan oo dhawaan dhacay.

Saraakiishan oo shir jaraa’id qabtay warbaahintana kula hadlay Dusamareb ayaa si cad u sheegay inay ka amar qaataan madaxda Ahlu sunna islamarkaana ay hoos tagaan madaxa xukuumadda Gal Mudug Sh Maxamed Shakir Cali Xasan.

Saraakiishu waxa ay ku goodiyeen inaysan dowladda Somalia la shaqeyn doonin haddii ay isku daydo inay isaga baxdo heshiiska, waxa ayna sheegeen in dowladda iyo madaxda Ahlu sanna looga baahan yahay fulinta qodobadii lagu heshiiyey.

Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay soo hadal qaadeen dalacsiinta saraakiisha ciidamadii Ahlusunna,waxana ay sheegeen inaysan aqbaleyn in si gacan togaaleysi ah loo adeegsado dalacsiintaas.

Hadalkaan kasoo yeeray Saraakiishii ciidamada Ahlusunna ee ku biiray dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Madaxda Ahlusunna ay dowladda Federaalka ku eedeynayeen inaysan weli fulin heshiiskii ay wada gaareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here