Ciidamo Cadaan ah iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal ka fuliyay Deegaanka Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa Gudaha u galay Saldhigga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Sablaale iyagoona halkaasi Shabaab ugu geestay khasaare dhimasho ah
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa Sheegay in ciidamada kumaandooska soomaaliya ay gudaha u galeen saldhigii Al-shabaab ee deegaanka Sablaale.
Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 18-shabaab ahaa oo ay ku jiraan Maxamed Dhuubow oo Shabaab u qaabilsanaa K/xigeenka Labaad ahna Madaxa isqarxinta Al-shabaab
Saraakiisha Kumaandooska waxa ay sheegeen in Maxamed Dhuubow uu ka mid ahaa saraakiil ay dowlada Kenya dul dhigtay Madaxooda lacag dhan Labo Malyan
Sarkaalka Labaad ee weerarka lagu dilay ayaa waxaa lagu Magacabaa Cumar Mahad karataay waxa uuna Al-shabaab u qaabilsanaa Taakulaynta Ajaanibta ka tirsan Al-shabaab
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Shabaab oo loogu hadlaayo howlgalka xalay ka dhacay Deegaanka Sablaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

