Madaxweynaha soomaliya xasan shiikh Maxamuud oo haatan qudbad ka jeedinaya xarunta dowlada hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa beeniyay warar maalmihii dambe la isla dhaxmaraayay oo ku aadan in la badali doono calanka Baluuga ee dalka soomaliya
Mudane xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaliya ayaa sheegay in aysan jirin wararka ku aadan la badalayo calanka soomaliya calankana dhibaato badan loo soo Maray sanadihii dambe
Dhanka kale Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay Maamul Goboleedyada dalka ka Jira in wax walba oo astaantooda ah ay ka Hormariyaan astaanka calanka soomaliya ee Baluuga ah
Maalmihii dambe waxaa la isla dhaxmaraayay warar ku aadan in la badalayo calanka soomaaliya ee Baluuga ah laakin waxaa arintaas beeniyay Madaxwynaha soomaliya xasan sheikh Maxamud oo haatan qudbad ka jeedinaya aqalka dowlada Hoose

