Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Bam oo sababay Dhimasho iyo dhaawac oo Caawa ka dhacay magaaladda muqdisho.
Qaraxaan ay ka dhacay Degmadda Boondheere ee gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo hubeysnaa ayaa Bambadda gacanta laga tuuro ku weeraray Fariisin Ciidamadda Federaalka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha Degmadaas.
Inta la xaqiijiyay wiil dhalinyaro ahaa oo Mooto Bajaaj ka xeynayay ayaa ku dhintay,halka ay ku dhaawacmeen Labo kale.
Kooxihii ka dambeeyay weerarka Bamadda ayaa goobta ka baxsaday,waxayna Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaliya ay la wareeray ay ku guuldarsteen in ay gacanta ku dhigaan ragii bambadda tuuray.

