Faah-faahin;-Sarkaal Ka Tirsanaa Dowladda iyo llaaladiisa oo Lagu Dilay KM13

0

Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay Deegaanka Tareedishe ee Duleedka magaalada muqdisho.

Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari ay la socdeen oo kusoo wajahnaa ,Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qarax ayaa burburiyay gaarigii Sarkaalka iyo Ilaaladiisa.

Inta la xaqiijiyay Sarkaal Magaciisa lagu sheegay indha Ceel ayaa ku dhintay qaraxa, afar kamid ahaa ilaaladiisa iyo wiil iskuul ka yimid.

Dhanka kale Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka Sarkaaka iyo ilaaladiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here