Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay gudaha Suuqa bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, rag bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay laba odey oo qaraabe ahaa kuwaasi oo lagu dilay Suuqa bakaaraha gaar ahaan.
Labada oday ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Axmed Muxumud Aadan iyo Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar,waxaana la sheegay in rag hubeysnaa ay toogteen,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana ay sameeyeen baaritaano aan cidna lagu qabanin.

