Mahad Abdala Cawad oo Shaaciyay Sababta Laba Odey Dhaqameed Loogu Dilay Bakaaraha

0

Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Abdala Cawad ayaa ka tacsiyeeyay odayaal maanta lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in odayaasha la dilay oo laba ahaa ay diideen amaro kasoo baxay Xarakadda Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in rag Shabaab ka tirsan ay ka dambeeyeen dilka,islamarkaana odayaasha loo dilay maxaad u qaadan weyseen amarka Al-shabaab kasoo baxay.

Odayaasha la dilay ayaa kala ahaa Axmed Suldaan Muxumud suldaan Aadan iyo Nabadoon Axmed sh Abdullahi Fiqu cumar.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelka  Axmed Suldaan Muxumud suldaan Aadan iyo Nabadoon Axmed sh Abdullahi Fiqu cumar oo ahaa odayaal dhaqan oo lagu dilay Muqdisho maanta iyaga oo ahaa dadkii hore u diiday inay ku shaqeeyaan amarka Al-Shabaab. Geeri gobeed ayaa la yiraahdaa marka aad dhimato adiga oo diiday gunnimo iyo gumeysi”, ayuu yiri mahad Abdala Cawad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here