Shir Looga Hadlayay Xaaladaha Gobolka Bari Ka Jira Oo Lagu Qabtay Bosaaso

0

Taliska booliska gobolka bari ayaa maanta yeeshay shir xasaasi ah oo looga hadlayay xaqiijinta amniga gobolka bari iyadoona shirkaasi la sheegay in ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka putland

Waxaana shirkaan masuuliyiinta ka qeyb gashay ka mid ahaa Wasiiro Ka Tirsan Dowlad goboleedka Puntland Maamulka Gobalka Bari Taliska Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Puntland, ,Duqa Degmada Bosaaso, iyo masuuliyiin kale Oo ay ka midyihiin Dhamaan Isuduwayaasha Gobalka Bari iyo  Golaha Hormarinta Gobalka Bari

Shirkaan ayaa  Maanta Diirada Lagu Saaray Amniga Guud Ee Bosaaso Iyo Arimaha Lacagta Shilinka Soomaliga Iyo Sameenta Ayaxa Uu Ku Reebay Degaanada Iyo Gobalada Qaar Ee Puntland .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxanuud Ayaa Wasiirada Iyo Taliska Booliska Puntland Uaga Warbixiyay Amniga Guud Ee Gobalka Bari Waxana Uu Sheegay In Guulo Muhiim Ah Ay Ka Gareen Amniga Iyo Ladagalanka Kooxaha Shabaab Iyo Daacish.

Taliska ciidanka booliska gobolka bari ayaa muddooyinkii dambe waday kualamo kala duwan oo aminga looga hadlayay isagoona socdaal ku tagayay deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolka bari

Ciidanka booliska gobolka bari xiliyada qaar ee habeen howlgalo ka sameeya xaafadaha ka mid gobolka bari kuwaas oo ay sheegeen in ay ku sugayaan amniga gobolka islamrkaasna ay doonayaan in kor loo qaado xaqiijinta gobolka

Iyadoo ay howlgaladaasi inta badan sameeyaan ciidanka booliska gobolka bari ayaa hadana waxa dhacda in kooxaha hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn waxa ay dilal ka geystaan gudaha dergaanada gobolka bari

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here