Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo culus ay ka dhaceen mid kamida degmooyinka gobolkaas oo muddo sanada ah ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda Faderaalka somaliya.
Dagaalamayaal hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore waxa la sheegay in weerar xoogan ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda sugnaayeen oo ku taaal degmada Raaga Celle.
Al-shabaab ay wararka ay barahooda intarneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in dagaal kedis ah kadib ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada iyo dhammaan saldhigyadii ciidamada dowladda.
Al-shabaab waxa ay sidooakle sheegeen in ciidamada AMISOM oo saldhig ku leh duleedka degmada Raaga Ceelle aysan wax gurmad ah ufidin saaxibadood,
al-shabaab faahfaahin kama bixin qasaaraha ka dhashay dagaalka ay saakay sheegeen in ay kula wareegeen degmada raage ceelle ee gobolka shabeelaha dhexe
Raaga Ceelle ayaa qiyaastii 90Km dhanka waqooyi Bari uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,
waxaana la sheegay in ciidamada Burundi ay magaaladan raage ceelle qabsadeen sanadii 2014.

