Uganda oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 189 askari oo Shabaab Ka Tirsanaa.

0

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay howlgal ku dileen dagaalyahano ka Tirsanaa Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada UDPF Col Deo Akiiki oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Deegaanka Siigaale oo ku dhow Janaale gobolka Shabeelaha hoose koofurgalbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in weerarka lagu dilay dagaalyahanadda Shabaab uu ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca.

“Weerarkan ayaa si kala gaar gaar ah loogu qaaday Sigaale,Adimo iyo Kayitoy oo ku dhow Janaale gobolka Shabeelaha hoose waxaana ay ciidamadu dileen 189 Alshabaab ah waxayna burburiyeen hub faro badan,meel keyn ah oo lagu magacaabo Donca-daafeedow oo 7km galbeed ka xigta Janaale ayay ciidamada UPDF ku kala eryeen dagaalayal Alshabaab ka tirsan oo halkaa ku shirayay waxayna ku dhaawaceen qaar badan oo ka mid aha sarakiisha shirka ka qeybgalayay”,ayuu yiri afhayeenka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo loogu hadlaayo sheegashadda Dowladda Uganda ee Tiradda ciidamadda laga dilay Shabeelaha hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here