Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa degaano katirsan gobolka jubada hoose ka sameeyay howlgalo lagu lagula dagaalamayo dagaalamayaasha al-shabaab.
Howlgalka oo ay sameeyeen ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa waxay ka sameeyeen degaanada Beer-xaani, Cabdi-dhoore, Qudus, iyo Liba kuus waxayna halkaasi ku burburiyeen fariisimo iyo goobo ay gabaad ka dhiganjireen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab sida lagu qoray warkasoo baxay warbaahinta dowladda.
Sidookale ciidanka danab ayaa sameeynayay baaritaano dheeraad ah oo ay ku baadi goobayeen horjoogayaal ka tirsan al-shabaab iyagoona gacanta ay kusoo dhigeen sadax xubnood oo al-shabaab ah iyo horjoogayaashoodi Sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab Carab Dheeg Axmed
Taliyaha ayaa intaasi ku daray ujeedka howlgalka inuu yahay mid ay doonayo in dagagaalamayaasha al-shabaab in ay kaga saaraan deeganada gobolka gobolka jubbda hoose
Saraakiisha ciidamada danab ayaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha howl galka laga sameeyay ka codsaday inay ay la shaqeeyaan ciidanka.

