waxa lagu soo waramayaa in saacadii lasoo dhaafay uu dalka mareykanka uu ku geeriyooday safiirkii hore ee soomaaliya u fadhiayay waashitoon
cabdikariin cali cumar oo ahaa musharax utaagnaa qabashada xilka madaxweynaha soomaaliya ayaa waxa uu ku geeriyooday magaalada colombus gobolka ohio ee dalka mareykanka
danjire cabdikariin cali cumar ayaa waxa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanunsanayay gudaha dalka mareykanka gaar ahaan isbitaalka ku yaal halkaasi
marxuunka ayaa waxa uu ahaa danjiriihii ugu dambeyay ee soomaliaya u joogay dalka mareykanka xiligii ay jirtay dowladii uu hogaaminayay madaxweyne maxamed siyaad bare
masuuliyiinka ka tirsan dowladda ayaa durbadiiba ka tacsiyadeeyay geerida marxuunka waxa ay alle uga baryeen janatul fardowso ka waraabiyo

