Taliska Ciidanka Mareeykanka Ee Afirca Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Duqeymo Ay Ka Fuliyeen Jubbada Hoose

0

Taliska ciidamada mareykanka ee afrika ayaa  ka warbixiyay laba weerar oo diyaaradaha dagaalka ee aan duuleyaha laheyn ciidanka mareykanku ka fuliyeen gobolka jubbada hoose
war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada mareykanka ee qaarada afika ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada mareykanka iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda ay duqeymo ka fuliyeen degmada jamaame ee gobolka jubbada hoose gaar ahaana goobo ay sheegeen in ay ku sugnaa yeen xubno ka tirsanaa dalamayaasha al-shabaab

qoraalka ayaa sidookale waxa lagu sheegay in qiiqeyn lagu sameeyay duqeynta ka dhacday degmada jamaame islamarkaasna waxa ay sheegeen in qiimeynta hore ay ku ogaadeen in sadax sakaal oo al-shabaab lagu dilay duqeynta sida lagu sheegay qoraalka so baxay aficom

taliska ciidamada mareykanka ee afrika qoraalkooda waxa lakoo lagu xusay in qiimeyn lagu sameeyay in dad rayad ah ay ku wax yeeloobeen duqeynta

waxaana ay sheegeen in ay qiimeeynta ku ogaadeen in qof shacab ah uusan ku dhaawacmin ama ku dhiman duqeynta
warkaan kasoo baxay taliska ciidanka mareykan ee africa waxa lagu heegay in Duqeymahan lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaal sare sare oo ka tirsan al-Shabaab oo ku lug lahaa fududeynta IED, tababar dagaal, iyo qorsheynta weerarrada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Cirka ee Mareykanka Maj. Gen

sidookale aficom waxa ay sheegtay in ujeedka duqeymahana uu yahay mid ay doonayaan in ay ku wiiqan awooda dagaalamayaasha al-shabaab kuwaas oo ay ku eedeeyeen in aan kala sooclaheyn ay ubeegsadaan dadka shacabka islamrkaasna ay weraro iyo qaraxyo ku dilaan dadka shacab ah oo aan waxba galabsan ayaa lagu yiri warkasoo baxay taliska ciidanka mareeykanka ee afrika

inta badan diyaaradaha dagaalka ciidamada mareykanka ayaa duqeymo ka fuliya deegaanada iyo degmooyinka dhaca bartamaha iyo koonfuta soomaaliya
waxaana ay duqeymaasi taliska ciidanka mareynkanku ka sheegtaan guulo iyagoo sheega in ay beegsadaan goobaha ay kusoganyihiin al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here