wararka ka imaanaga gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaal xoogan xalay uu ka dhacay deegaanka ceeldheere duleedka magaalada dhuusamareeb
dagaalka ayaa waxa la sheegay in uu yimid ka dib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerarku soo qaadeen ciidamada dowladda ka tirsana oo iyaguna ku sugnaa deegaanka ceeldheere
waxaana lagu soo waramayaa in dagaalkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen daryanka rasaasta ay isweydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab balse aysan is dhab ah u xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkani maadaamada uu dagaalku dhacay xili fiid ah
wararka ayaana sheegaya in ilaa iyo laba askari oo ka tirsan ciidan dowladda ay ku dhinteen weerarkii xalay ka dhacay deegaanka ceeldheere
balse wararkii ugu dambeeyay oo aan ka helayno deegaanka ceeldheere ee udhexeya degmooyinka guricel iyo dhuusamareeb ee gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in gabi aahaaba gacan ku heynta deegaanka ay la wareegeen dagaalamayaasha al-shabaab
waxaana la sheegaya in hada deegaanka ceeldheere laga dareemayo cabsi ah in markale dagaal uu halkaasi ka qarxo islamarkaasna ay ciidanka dowladdu ay dhaqdhaqaayo ciidan wadaaan
xaalada deegaanka ceeldheere ayaa waxa lagu soo waramayaa in hada ay dagantahay balse dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya in markale lagu duldagaalamo
al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale weeraro ula beegsaday ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka ceeldheere
waxaana xusid mudan horay al-shabaab dagaal la,aan ay hada ka hor kula wareen deegaankaan

