Guddiga Xaqiiqa raadinta Soomaaliya iyo Keenya Ee ka Socday IGAD Oo yimid Muqdisho

0
wafdi balaaran oo ah guddiga xaqiiqo raadinta Urur Gobaleedka IGAD usoo magcaabay in ay wax kasoo ogaadaan xiisada u  dhexeysa soomaaliya iyo kenya ayaa soo gaaray magaalada caasimada ah ee muqdisho
waxaana wafdigaan soo gaaray muqdisho la sheegay in ay yihiin kuwa kasocda dowladda aan walalaha nahay ee jabuuti oo iyadu loo xilsaaray in ay soo ogaadaan xaqiiqada dhabta ah
Wasiir Dowlaha Arimaha Dibada Soomaaliya Balal Cusmaan ayaa maanta kula kulmey xafiiskiisa Wasaarada Arimaha Dibada wafdi ka socda Urur Gobaleedka IGAD .
Waxaana kula wehliyay Xoghayaha Joogta ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cali Nuur & Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya.
Gudiga xaqiiqo raadinta xaalada xuduud benaadka Soomaaliya & Kenya u dhaxeeya , si ay u soo darsaan dacwada Soomaaliya ka gudbisey Kenya .
Wasiir Dowlaha ayaa la wadaagey gudiga walaaca & cabashada ay ka qabto Dalka Kenya.
Gudiga Xaqiiqo raadinta IGAD ayaa booqon doono magaalooyinka Beled Xaawo & Mandheere , kadibna warbixin u celin doono IGAD .
waxaana tani ay kusoo aadeysaa xili xiriir ka soomaaliya iyo kenya uu yahay mid sii xumaanaya iyadoona somaaliya ay gabiahaanba xiirirka u jartay kenya
waxaayna ku eedeeysay in keenya ay soo fara galisay arimo ku saabsan gudaha soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here