Khilaafkii u Dhaxeeyay XFS iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Xal Laga Gaaray

0

Waxaa xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya Sanator Cabdi Xaashi C/laahi.

Xukuumadda Federaalka Soomaalia iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa isku maandhaafay guddiyada maamulaya Doorashadda Xildhibaanadda ka imaanaya Goboladda woqooyi ee Maamulka Somaliland.

Dadaalada lagu xallinayo tabashooyinka ka taagan Guddiyada doorashada ayaa ka soo bilowday magaalada Garowe halkaas oo ay isugu tageyn Madaxda Dowladda iyo kuwa Mucaaradka, waxaana halkaas isku arkay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Waxaa soo baxaya in lagu heshiiyay in afar xubnood oo ka socota dhanka Guddoomiye Cabdi Xaashi loogu dari doono Guddiga doorashada xubnaha gobolada waqooyi ee Maamulka Somaliland.

Sidoo kale xubnahan ayaa waxay bedeli doonaan xubno horay Xukuumadda uga darsatay Guddigaas oo dood ka timid.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horay uga soo horjeestay guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha, kuna tilmaamay inay yihiin guddi aanay matalin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here