Al-shabaab ayaa Sheegtay Mas’uuliyadda Qarax Ka Dhacay Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka Tirsan Asluubta Soomaaliyeed.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu beegsaday Taliyaha ciidamada Asluubta DF-ka ninka lagu magacaabo Mahad Cabdi Raxmaan Aadan.
“Qaraxa ayaa haleelay gaari kamid ahaa gaadiidkii gelbinayay taliyaha ciidanka asluubta balse si dirqi ah ayuu uga badbaaday waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii ilaalada u aheyd sida ay sheegayaan ilo wareedyo amni.
Taliyahan lagu beegsaday KM4 ayaa taariikh xun leh wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidamada Ethopia kusoo hoggaamiyay Soomaaliya gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool.

