Dagaalyahanaddda Al-shabaab ayaa laba weerar xalay ku qaaday Deegaanka BacaadWeyne ee Gobolka Mudug, ee Dowladd Goboleedka Galmudug.
Dhowr dagaalyahan oo ka Tirsanaa Shabaab ayaa la sheegay in deegaanka weerar kusoo qaadeen,islamarkaana ay iskacaabin ay kala kulmeen Maleeshiyaad ku sugnaa Deegaanka Bacaadweyne.
Maxamed Saciid oo kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Deegaanka Bacaadweyne oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Shabaabka weerarka soo qaaday ay jab xoogan ay la Kulmeen,islamarkaana ay dib kaga laabteen deegaanka.
Dhanka kale waxa uu Sheegay Maxamed Saciid oo in laba mar ay xalay isku dayeen Shabaab in ay qabsadaan Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug,balse laga hor istaagay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Shabaab ay horey u sii wateen mid kamid ah odayaasha Deegaanka Bacaaweyne,islamarkaana ay markii ay dileen.
Deegaanka Bacaadweyne waxaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay Maleeshiyaad Deegaanka ku sugan iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee deegaankakadhacay waxa ka qeyb qaatay ciidamadda xoogga dalkaSoomaaliyeed,kuwaasi oo ku guuleystay in la adkaatociidamaddaShabaab.

