Hooyo iyo Ilmo ay Dhashay oo 2-jir ahaa oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Dhoobley

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in gaari dad shacab ay saarnaayeen ay miino Kula qaraxday halkaas.

Gaarigaan ayaa kusii jeeday Dhanka Degmadda Dhoobley,waxaana la sheegay in Miinadda ay ku qabsatay, meel u dhow deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay  Hooyo iyo ilmo ay dhashay oo labo bil jir ahaa,gaariga ayaa la sheegay inuu ka tegey magaalada Kismaayo kuna sii jeeday deegaanka Dhoobley.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubada Hoose ee Jubbaland,oo looga hadlaayo qaraxa ka dhacay halkaas.

Inta badan dagaalyahanadda Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in ay Miinooyin dhulka u galiyaan  Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here