Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Dilal Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilal shalay ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dilalkaan ayaa ka dhacay agagaarka Buundooyinka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Rag ka tirsan Shabaab ayaa toogtay Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Sirdoonka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan dharcadka ee ka howlgala gudaha Magaaladda.

“Al-shabaab ayaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay Afar katirsan qeybta Sirdoonka dharcadka loo yaqaan” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka oo loogu hadlaayo dilalka loo geystay askartooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here