Akhriso:-Puntland oo Amar Siiyay Dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta

0

Maamulka Puntland ayaa ku amray dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay, in ay fuliyaan Amarka Maamulka ku xaddiday Lacagta danabaysan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Bankiga Puntland Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa lagu amray Shirkadaha in ay amarkaan fuliyaan.

Qoraalkan oo ku taariikhaysan 27-ka December 2020, waxa dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta lagu amray, in ay xaddidaan Adeegga Lacagta danabaysan ee E-money $10 Dollar iyo wixii ka yar, si loo xakameeyo Sicir-bararka iyo qiima dhaca Lacagta Shilin Soomaaliga ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here