Al-shabaab Oo Sheegtay In ay Dileen Sarkaal Ka Tirsanaa Sirdoonka Dowladda

0

Saacadii lasoo dhaafay mid ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxa lagu soo waramayaa in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda gaar ahaana ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ay ku dileen gudaha magaalada muqdisho

Sarkaalka la dilay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Zakariye Cali gaab waxaana la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay dileen

masuuliyada dilkaan la sheegay in loo geeystay sarkaalka ciidanka waxaa durbadiiba sheegtay dagaalamayaasha al-shabaab ,

al-shabaab ay barahooda interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in zakariye cali oo ka tiranaa saraakiisha sirdoonka dowladda ay dileen

waxaana al-shabaab wararkooda ay intaasi ku dareen in muddooyinkaan ay kordhiyeen weerarada ay labeegsanayaan saraakiisha ciidanka dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee ka qeyb qaatay ama soo xulay xildhibaada barlamaanka dowaladda ee hada waqtigoodu dhamaaday

dilkaan ayaa awaxa uu imaanaya xili shalay al-shabaab ay sheegeeteen dilka nabadoon lagu dilay degmada deyniile

nabadoonkaasi oo lasheegay in uu ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada barlamaanka jamhuriyada faderaalka soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here